DHAGEYSO:Bulshada Bacaadweyne oo lagu baaqay in loo gurmado

Kulan looga hadlayay u gurmashada bulshada ku dhibaateysan degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas.
Kulankaan oo ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka Mudug,ganacsato,culimo iyo waxgarad ayaa waxay soo saareen gudi loo xilsaaray u Gurmashada dadka reer Bacaadweyne.
Kadib markii roobab xoogan oo halkaas ka da’ay ay daadad fara badan ka dhasheen ayaa waxaa magaalada Bacaadweyne ku dhintay labo qof sidoo kalena waxaa ku barakacay qoysas badan oo halkaas ku noolaa ayadoo biyuhu qaadeen goobo ganacsi iyo guryo la daganaa.

Dhankale dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaa Waxay Maanta Magaalada Kismaanyo Gaarsiisay daawooyin iyo qalab loogu talagalay la dagaalanka cudurka Covid19.
Qalabka Maanta ay Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG Maamulka Jubaland gaarsiiyeen xubno ka socday Xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa waxay isugu jireen Maaskarada Afka iyo Sanka lagu daboosho,Gloveska Gacmaha lagu xirto,Gacma nadiifiyaha Hand Sanatizer iyo waxyaabo kale oo loogu talagalay dagaalka cudurka aduunka dhan aafeeyay ka dhanka ah.
Gudiga ka hortaga Cudurka Covid 19 ee maamulka Jubaland oo qalabkaan la wareegay ayaa dowlada dhexe ugu mahadceliyay dagaalka cudurka ka dhanka ah ee ay ku howlan tahay ayadoo kaashanaysa maamulada Xubnaha ka ah.
Xubnahaan ka socda wasaarada caafimaadka iyo Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa todobaadyadaan tagayay Magaalooyinka Maamul goboleedyada waxayna Gaynayeen agabka Xanuunka looga Hortagayo.
Soomaaliya waxay shalay galinkii danbe Xaqiijisay in kiisaska Corona ay ee ilaa 16 bishii hore la xaqiijiyay ay Gareen 671,31 ka mid ah way geeriyoodeen halka 34 ka mid ahna ay bogsadeen sida wasaarada Caafimaadku ay sheegtay.
Balse xalay Saqdii dhexe wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Jaamac Faarax ayaa sheegay in deegaanada Puntland lagu Xaqiijiyay ilaa 12 qof oo aan ka mid ahayn tirada ay Wasaarada Caafimaadka shaacisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here