DHAGEYSO:Bulshada Buulo-burte oo bilaabay olole Magaalada lagu nadiifinayo

Bulshada Buulo-burte oo bilaabay olole Magaalada lagu nadiifinayo.
Olalaha isxilqaan oo lagu dhisayo goobaha Danta guud sidoo kalena lagu soo celinayo Bilicda Magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa laga bilaabay dagmada buulo-burte ee gobalka hiiraan waxana soo qaban qaabisay dowlada hoose ee dagmada Buulo Burte.
Ururada dhalinayarda Magaalada iyo maamulka dowlada Hoose oo iskaashanaya ayaa wadooyinka Burbursan ee magaalada waxay maanta ka Bilaabeen inay jidadka Jayn ku shubaan ayagoo sheegay inay howshaan sii wadi doonaa ilaa laga dhisayo dhamaan gobaha danta guud ee burbursan

 

Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka jira olole loogu magac daray isxilqaan oo dib loogu dhisayo Goobaha danta guud meelaha ugu badan ee ololahaan sida weyn looga Hirgaliyayna waxaa ka mid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayadoo lagu dhisay goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Golaha Murtida iyo Wacyigalinta qaranka,Maktabada qaranka,garoomo Ciyaareed iyo goobo kale sida wooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here