DHAGEYSO:Bulshada Dadaab oo la fahansiiyay lacago ay ka faaiidaysan karaan

Waaxda ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha ee ismaamulka Garissa ayaa wadda barnaamij bulshada looga dhaadhicinayo inay ka faaiidaystaan lacagaha lagu horumarinayo dhaqaalaha ganacsatada , ururada dhalinyarada ,haweenka iyo dadka naafada ah.
Wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo kobcinta dhaqalaaha ee ismaamulka Garissa Cadow Kaliil Jubat iyo wafdi uu hoggaaminayo oo arrimahaas ku howlan ayaa socdaal ku tagay deegaanka Dadaab ee Garissa.
Wasiirka ayaa warbaahinta uga warramay ujeedka socdaalkooda iyo muhiimadda ay lacagahan u leeyihiin bulshada iyo shuruudaha ay ku bixinayaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here