DHAGEYSO:Bulshada oo loogu baaqay inay garab siiyaan macallimiinta dugsiyadii ay dhigayeen la xiray

Iyadoo gudaha wadanka lagu arkay ilaa 50 kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus ayaa saameynta uu yeeshay waxaa ka mid ah dhanka tacliinta.
Waxaa horay loo xiray goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada quraanka kariimka .
Tani ayaa culeys dheeraad ah ku keentay macallimiintii dugsiyada dhigayay oo mushaar billa ah qaadanayay.
Dr. Ibraahim Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga maamulo madarasada Al-Fataax ee ismaamulka Wajeer ayaa waalidiinta ay carruurtooda guriyaha u joogaan ku booriyay inaynan macallimiinta ka reeban lacagihii ay siin jireen maadaama ay jiraan waxyaabo badan oo ay isaga dabbari karaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here