DHAGEYSO:Bulshada Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay Garab istaagaan Caruurta agoonta ah

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta dowlada Soomaaliya ayaa ku baaqay in la garab istaago Caruurta Agoonta ah ee lagu Xanaaneeyo Dagmada Karaan ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay Booqasho ugu Tageen.
Caruurtaan Agoonta ah oo ka badan ilaa Boqol Canug ayaa shacabka Soomaaliyeed laga Codsaday inuu u iibiyaan guri ku yaala meel u dhow halka hada lagu Xanaaneyo oo iib ah maadaama ay ku yaraatay goobta ah hada dagan yihiin.
Maamulaha Xaruntaas Agoonta Lagu Xanaaneeyo iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay Baahiyaha ay hada Wajahayaan Caruurtaan Agoonta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here