DHAGEYSO:C/raxmaan C/shakuur oo dhaliilay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ahna Hoggaamiyaha xisbiga wadajir ayaa Wuxuu dhaliilay kulankii dhawaan Madaxtooyada Soomaaliya ku dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo ay horkacayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Shariif Sh Axmed & Xasan Sheekh.
Waxaa uu sheegay in kulankaasi diyaarintiisa uu lahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin,isagoo layaab ku tilmaamay Talaabadaasi.
Siyaasiga oo Xalay ka hadlayay kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in kulankaas uu ka maqnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre oo aan lagu casuumin taasina uu ku Tilmaamay inay muujineyso khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here