DHAGEYSO:C/Raxmaan C/Shakuur oo sheegay in dalka Soomaaliya laga badbaadiyay dhibaato ku soo wajahnayd

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahayeen arrimaha doorashada amaanka doorashada,Kuraasta gobolada Waqooyi iyo qodobo kale.
Heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Madaxda Gobolada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu C/raxmaan C/shakuur ku sheegay in dalka looga badbaadiyay dhibaato weyn oo markii hore u muuqatay.

Madaxda Maamul goboleedyada ayuu ugu baaqay C/raxmaan C/shakuur inaysan Muqdisho ka tagin ilaa golaha shacabku ka meelmarinayaan heshiiskaas,isagoo baarlamaankaba ka codsaday inay heshiiskaas meelmariyaan si aysan eed ugu yeelan wixii dib u dhac ah oo doorashada ka yimaada.

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday inay lagama maarmaan tahay in laga wada hadlo hay’adaha amaanka ee sugaya amniga doorashada wuxuuna madaxweynaha ka codsaday inuu badalo hogaanka hay’adda Nabad sugida qaranka.

Ugu danbayntii C/raxmaan C/shakuur warsame wuxuu sheegay inay Jiraan qorsheyaal lagu doonayo in lagu boobo Kuraasta baarlamaanka labadiisa aqal ay ku yeelanayaan gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ama Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here