DHAGEYSO:C/wali Gaas oo sheeegay inay jiraan dowlado shisheeye oo Soomaaliya faragalinaya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay jiraan qaar kamid ah dalal Shisheeye oo mar walba faragelin ku sameeya Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya si uu u guuleysto musharaxa ay doonayaan.
Dalalka ugu badan ee lagu tuhmayo inay taageera siiyaan siyaasiga ay isleeyihiin saameyn weyn ayuu ku leeyahay doorashada ayaa waxaa kamid ah dalalka Imaaraadka carabta, sacuudiga iyo Qatar, wallow dowladda Qatar ay haatan tahay saaxiibka Madaxda sare ee dowladda soomaaliya.
Cabduweli Gaas oo ku sugan magaalada Nairobi lana hadlay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay inay tahay wax lag xumaado in arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ay faragelin ku sameeyaan wadamo shisheeye, isla markaana go’aaminteeda ay qeyb ka qaataan.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahaana Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo hadal qaaday qaar kamid ah qodobada heshiiska doorashooyinka gaar ahaan ergada la kordhiyay, waxaana uu sheegay in doorashooyinkii 2016-kii Ergada laga dhigo 51 uu qeyb ku lahaa si looga hortago musuq maasuq,balse uu dhacay, hayeeshee uu rajeynayo in ergada oo hadda laga dhigay 101 laga gudbi doono musuq maasuq maadaama ay ka badan yihiin kuwii hore dhaqaalaha lagu Musuqmaasuqi karana uu noqon karo mid aan sahlanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here