DHAGEYSO:Cabasho la xiriirta mashruuca bangiga adduunka oo ka soo yeeraysa Garuufaa

Qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Garuufaa oo ka tirsan deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa ayaa cabasho ka muujiyay mashruucyo loogu tala galay horumarinta bulshada balse ay saluugsan yihiin qaabka loo fulinayo.
Maxamad Baaruud Xuseen oo halkaas socdaal shaqo ku tagay ayaa faahfaahinaya .

Dhanka kale mas’uul u hadlay barnaamijka world Bank iyo hay’adda RRDO ay iska kashanayaan ee shacabkuna ka cabanayaan ayaa shegay in uusan jirin wax musuqmaasuq ah oo ay ogyihiin .
Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado saxaafadda ayaa qaab qoraal ah idaacadda star FM ugu sheegay in Garuufaa la siiyay ilaa 26 group kuwaas oo 8 kamid ah hadda la siiyay dhaqaalihii loogu tala galay halka 18 kalena la maalgalin doono ka hor bisha 12-aad ee sanadkan .
Waxaa uu intaa ku daray in dadka wax la siiyay ay yihiin reer Garuufaa oo Garissa ama meel ka baxsan magaaladaas aan dadka laga soo qori karin .
Sido kale waxaa uu xusay inay jiraan guddiyo bulshada ku matala mashruucyada la fulinaya isagoo dhanka kale hoosta ka xarriiqay in aysan jirin qabab dadban ama hoose oo wax loo qoro ama loo soo xusho.
Mas’uulkan ayaa carrabaabay in xulashada cidda la maalgelinaya ay ka mid tahay waajibaadka hay’adda RRDO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here