DHAGEYSO:Cabasho la xiriirta xayiraadda dowladda oo ka soo yeeraysa xeebta

Guddoomiyaha ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta, Salim Mvurya ayaa hay’adaha deeq bixiyaasha ah ka codasaday inay taageero u fidiyaan shacabka dowlad deegaankaas oo uu sheegay in badan oo ka mid ah inay sabool yihiin.
Waxaa uu walaac ka muujiyay amarkii shalay ka soo baxay dowladda dhexe ee uu madaxweynaha wadanka ku sheegay in laga billaabo berri aan la tagin Karin sido kalena laga soo safri Karin Kwale.
Mr. Mvurya ayaa xusay inay halis geli karto nolosha 500 oo kun oo qof.
Wakiilka haweenka ee ismaamulkaas oo iyadana ka hadashay amarka dowladda ayaa tiri

Mid ka mid ah shacabka Mombasa ayaa sheegay in go’aanka dowladda ay ka dhalan karto saameyn ballaaran oo dhanka nolosha ah

Amarka ah inaan laga bixin sido kalena loo soo safrin caasimadda dalka ee Nairobi ayaa waxaa cabasho ka muujinaya gaadiidleyda mataatuuda ee ismaamulka Nyeri
Waxay sheegayaan inay rakaab badan ka qaadi jireen Nairobi balse maanta baabuurta aynan shaqeynayn taasina uu khasaaro hantiyeed ka soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here