DHAGEYSO:Cadaado oo dadka qaar ay maanta ciidayaan

Qaar ka mid ah shacabka Cadaado oo maanta ciidayo

Iyadoo maalinkii sabtida qeybo ka mid ah Soomaaliya looga dabaal degay maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga bulshada inteeda badana ay shalay oo Axad ahayd u dabaal degeen ciidul Fidriga ayaa waxaa maanta la arkayaa qaar ka mid bulshada oo oogaya salaadda ciidda maalinta 1-aadna ay u tahay
Saddex maalin oo is xig xiga ayaa gobollada dalka soomaaliya laga kala ciiday waxaana magaalada Cadaado saaka laga maqlayaa takbiirta salaadda ciidda.
Weriyaha Star FM ee degmada Guriceel ,Cubeyd Xassan Maxamuud ayaa goor dhaweyd la xiriiray wakiil wareedka idaacadda ee magaalada Cadaado Saadaq Laki si uu faahfaahin uga bixiyo ciidda maanta ay dadka halkaas ku nool u dabaal degayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here