DHAGEYSO:Cali Roba oo xaqiijiyay dad la karantiilayay oo shalay baxsaday

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba oo saaka wareysi gaar ah siiyay telefishinka STN ayaa xaqiijiyay inay jiraan ilaa iyo 32 qof oo lagu hayay goob karantiil oo shalay baxsaday balse waxaa uu xusay in badankoodu la soo qabtay

Mr. Roba ayaa dhanka kale beeniyay inuu Isfahan waa ka dhexeyo isaga iyo guddoomiyaha Dowladda dhexe halkaas ku matalo

Cali Roba oo uu Cabdinuur Cali wax ka weydiiyay liis maalmo ka hor la faafiyay oo ku saabsan dad la raacinaya ayaa ku jawaabay

 

Sido kale waxaa uu sheegay inay sii wadayaan wargelinta bulshada in kastoo Dowladda dhexe ay ka digtay in barasaabyada ismaamullada ay shaaciyaan arrimaha la xiriira kiisaska coronavirus ee la xaqiijiyo

Haddaba maxaa dowlad deegaanka Mandera uga qorsheysan taageeridda qoysaska danyarta ah, Cali Roba oo su’aashan la weydiiyay ayaa ku jawaabay

Guddoomiyaha Mandera ayaa ugu dambeyn bulshada soomaaliyeed ugu baaqay inaynan cudurka jira ee Covid-19 fududaysan oo ayna raacaan amarrada iyo talooyinka Dowladda dhexe iyo ismaamullada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here