DHAGEYSO:Caqabado la xariira beddelida lacagta dalka oo ka jira Banisa

Deegaanka hoose ama woodka Malka mari ee Banisa , ismaamulka Mandera ayaa waxaa ka jirta caqabad ay shacabka ku qabaan inay beddeshaan lacagtii horay wadanka looga isticmaalayay gaar ahaan 1000-ka shilin.
Wakiilka laga soo doortay Malka Mari Cabdi Xassan Cali ayaa bangiyada dalka ka codsaday inay halkaasi ka furaan laamo dadweynaha u fududeyn karo inay ka faaiidaystaan mudada ay dowladdu u qabatay.

 

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo bangiga dhexe ee CBK uu weli ku adkeysanaya inaan la kordhin doonin mudada ugu dambeysa ee la isticmaali karo 1000-kii shilin ee horay maadaama taasi ay ku egtahay dhammaadka bishan sagalaad waxaana shacabka laga doonaya inay qaataan mida cusub ee la soo bandhigay 1-dii bishii lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here