DHAGEYSO:Caro ka dhalatay qof lagu dilay Mathare

Shacabka ku nool deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi ayaa si caro leh uga hadlay toogasho dhawaan loo gaystay mid ka mid ah dadweynaha deegaankaas.
Waxay sheegayaan in qaar ka mid ah saraakiisha booliska oo fulinaya amarka bandowga ee habeenkii ay toogteen ninkan.
Ninkan ayay wararku sheegayaan inuu hooy la’aan ahaa oo uuna ku sugnaa goobta loo yaqaano Bondeni .
Shacabka daggan deegaanka Mathare ayaa dhacdadan kaddib wacad ku maray inay u dhaqaaqi doonaan wadooyinka sidoo kalena ay mudaharaadi doonaan .
Wax yar ka dib markii ay toogashada dhacday boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoona iska inda tirayay sharciga kala fogaansha ee ka dhanka xakameynta cudurka Coronavirus waxayna dalbanayeen cadaalad.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Vaite ayaa hore u ahaan jiray nin xamaali ka ah suuqa Marikiti ee magaaladatan Nairobi.
Waxaa uu habeekii seexan jiray gidaarada xaafadda Mathare sida laga soo xigtay dad asaga asxaab la ahaa.

Dhamadkii Bishii Maarso ayey ahayd markii wiil yar oo 13 sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Yaasin Xuseen Moyo kaasi oo ay dileen ciidamada booliska isaga oo ku sugnaa balakoonka gurigiisa.
Mid ka mid ah shacabka deegaanka Mathare oo muujiyay dareenkiisa arrinkan ku aaddan ayaa warbaahinta la hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here