DHAGEYSO:Ciidamada amaanka Galmudug oo looga digay inay ka qayb qaataan Dagaal beeleedka

Wasaradda Amniga Maamul Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay digniin iyo amaro ku socda Ciidamada kala duwan ee deegaanada Maamulkaas ka howlgala,kuwaasoo looga digayo ka qeyb qaadashada dagaal beeleedyada mararka qaar ka dhaca degaano ka tirsan Maamulka Galmudug
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maranaba aan la aqbali karin in Ciidamo ka tirsan Galmudug ay ka qeyb qaataan dagaal beleedyada.
Waxaa uu Xusay in Ciidamada ay waajib ku tahay inay ka qeyb qaataan joojinta colaad beeleedyada,hayeeshee aysan aheyn kuwii u kala hiilin lahaa,waxaana uu u digay ciidamada ka qeyb qaata dagaal beeleedyada.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sidoo kale aan la aqbali doonin Odayaasha inay u yeeraan Al-Shabaab islamarkaana ay deegaanada ay Maamulaan aadaan.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u sheegay inay tallaabo cad ka qaadi doonaan dadka aada deegaannada Al-Shabaab,isagoo Tilmaamay in dadkaasi ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale.

Dhanka kale Ciidamo la qorsheynayo inay ka mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa tababar looga furmay xerada Ciidamada dhaan-karoone ee ku taala duleedka deegaanka Galinsoor ee gobalka Galguduud.
Tababarkaan oo socan doona sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug muddo dhowr bilood ah ayaa waxaa furitaankiisa la hadlay wasiirka wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in Ciidamada tababarka looga furay xerada dhaan-karoona ay qeyb ka yihiin Ciidamada loo carbinayo daraawiishta Galmudug oo qaarkood mudooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socanayay xerada Indha qaris ee ku taala duleedka deegaanka Docol ee gobalka Mudug.
Maamul Goboleedka Galmudug ayaa wado dardar xoogan oo ay ku qarameynayaan maleeshiyaadka kala duwan oo ay horay u heysteen beelaha wada dago deegaanada Maamulkaas si loogu badalo Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here