DHAGEYSO:Ciidamada amaanka guriceel oo Gacanta ku dhigay dad dil gaystay

Ciidamada Ammaanka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen rag dil ka geystay deegaan u dhaxeya degmooyinka Guriceel iyo Matabaan.
Taliyaha Saldhiga Ciidamada Booliska Degmada Guriceel oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen ragaan dilka inay gaysteen ku eedaysan.
Waxa uu sheegay in raggaan ay ahaayeen maleeshiyaad jid gooyooyin u dhiganayay dadka shacabka ah ee isticmaala wadada u dhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Hiiraan & Galgaduud.
Waxa uu intaas ku daray inay gacanta kusoo dhigeen dadkii arintaas fududeeyay iyo kuwii fuliyay balse hal shaqsi oo qayb ka ahaa dadkii dilka gaystay uu gacantooda ka maqan yahay,isla markaana ay ku raad joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here