DHAGEYSO:Ciidamada amaanka oo Joojiyay Munaasabada Dhuusamareeb lagu qaban lahaa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusmareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ee ka howlgalaa deegaanada maamulka ay joojiyeen Munaasabad qado ah oo halkaas lagu qaban lahaa.
Wararka ayaa sheegaya in Munaasabadda ay aheyd mid lagu soo dhaweeynayay 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyay Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ee maalmo kahor lasoo Bandhigay.
Amarka lagu joojinyayo Munaasabadda ayaa waxaa la gaarsiiyay dadkii qaban-qaabinayay Munaasabadda oo lagu waday inay saacadaha soo socda ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada amniga ayaa kal hore soo saaray Amar dhigaya inaan gudaha Magaalada Dhuusamareeb lagu qaban karin Shirar ama Munaasabado aysan ogeyn Hay’adaha.
Dhanka kale mid ka mid ah 20-ka Xildhibaan ee dhawaan ay soo saareen Ahlusuna ayaa wuxuu gudiga dhismaha iyo farsamada dhismaha maamulka Galmudug ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin dhismaha maamulkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here