DHAGEYSO:Ciidamada amaanka Soomaaliya oo howlgalo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Maamulka galmudug ayaa lagu Soo waramayaa inay howlgalo wada Jir ah ka Fuliyeen deegaano Hoos Yimaada Degmada Hobyo ee gobolka Mudug halkaasoo ay horay uga dhaceen falal amaanka lidi ku ah.
Howlgalkaan ay Ciidamadu Samaynayeen waxaa qayb ka ahaa gudoomiyaha gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye Isxal,Gudoomiyaha Degmada hobyo C/laahi Axmed Cali Faad,wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Intii uu Howlgalku Socday ayaa waxaa Gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad la sheegay inay Qayb ka ahaayeen falalka amaan darada ah ee ka dhaca Magaalo Xeebeeda Hobyo ee Gobolka Mudug waxaana Warbaahinta la hadlay masuuliyiintii howlgalkaan qaybta ka ahaa.
Waxayna Masuuliyiintaa digniin adag u direen dad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo Magaalada Hobyo dhbaatooyin ku hayo kuwaasoo ay sheegeen in gacan bir ah lagu qaban doono.Ciidamo Boolis ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha qaar iyo wadooyinka degmada, iyaga oo baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka nooca raaxada ah iyo Mootooyinka Bajaajka oo wadooyinka ka dhex-Shaqeeya.
Taliyaha Booliska degmada Guriceel Dhame Cismaan Cali hudeey ayaa sheegay in u jeedka howlgallada ay ahaayeen sidii loo sugi lahaa Amniga degmada, si Bulshada nabad ugu noolaadaan.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay muraayadaha Madow ka fiiqayeen Gaadiidka yar yar si looga hortago falal amni darro, sidoo kalena ay jirtay inay horay u mamnuuceen in gudaha Magaalada lagu arko Gaadiidka muraayadaha Madow.
Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkaas,waxaana tan iyo markii Magaaladaasi lagu wareejiyay maamulka Galmudug ka socday qorshooyin kala duwan, iyada oo lagu xiray leerarka cadceeda ku Shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here