DHAGEYSO:Ciidamada Dowladda soomaaliya oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,iyagoo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.
Waxay ciidamadu sheegeen in sarkaal la soo qabtay Al-shabaab uu ka mid ahaa muddo 10-sanno ah,isla markaana u qaabilsanaa dhanka sahminta ama xograadinta weerarada,kaasi oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Lujindo Maxamed.
Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Badal Xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ninkaas ay qabteen xogtiisa ay horay u hayeen,sidaasina lagu qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here