Dhageyso:Ciidamada Jabuuti iyo kuwa soomaaliya oo meelo ka fog garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb tagay si ay amniga diyaaradaha u sugaan

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayey in garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb uu u xirmay sabab la xiriirta amni darro.
Dadka ku nool deegaanada Galmudug qaarkood ayaa baraha bulshada ku faafiyey in garoonku uu xiran yahay, iyagoo dowlada Galmudug ku dhaliilay in aysan ku guulaysan sugidda amniga garoonka
Arintaan ayaa timid ka dib markii bilawgii toddobaadkaan diyaarad uu raacay madaxweynaha Galmudug ay sheegeen alshabaab in ay si dirqi uga fakatay waxaana hadalkaasi beeniyey wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed shire falagle oo bbc la hadlay.
Wasaaradda amniga Galmudug ayaa xalay soo saartay warqad ay ku ogeeysiineeyso hay’adaha duulimaadyada in garoonku uu shaqeeynayo
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ugaas nuur ee caasimadda Galmudug Cabdullaahi xasan nuur ayaa tilmaamay in aysan jirin wararka la sheegay ee ahaa in uu garoonku xirmay, waxaa uu intaa ku daray in diyaarad ciidamada sahay u siday ay shalay degtay iyadoo kuwa shacabka ay maanta iyo berriba degi doonaan amniga garoonkana sidii hore laga sii adkeeyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here