DHAGEYSO:Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgalo ka Sameeyay deegaano sahabaab ku sugnaayeen.

Howlgal Amniga lagu xajiijinayay ayaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulkaaswaxayna tuulooyin dhowr ah gala wareegeen Xooggaga AL-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in u jeedkoodu ahaa sidii ay tuulooyinkaas kaga saari lahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana ay ku guulaysteen howlgalkaasi.
Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo howlgalka horkacayay ayaa sheegay in Ciidamadu ay gaareen tuulooyinka Goof-Gaduud buureey, Awdiinle,buulo Jebi iyo tuulooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale taliyaha oo la hadlayay dadka ku nool deegaanadii ay la wareegeen Ciimadama amniga ayaa ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan,isla markaana ay ka hortagaan dhibaatooyin uu sheegay inay shabaabka kala kulmaan.

Howlgalkaan laga sameeyay tuulooyin hoostaga Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa kusoo aadaya xilli laba Cisha ka hor Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad kale oo deegaanka ah ay howlgalo ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Xudur ayna kula wareegeen deegaano ay horay gacanta ugu hayeen Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here