DHAGEYSO:Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo la geeyay deegaan ay dilal ka dhaceen oo ka tirsan Kakamega

Dowladda dhexe ayaa deegaanka Matungu oo ka tirsan ismaamulka Kakamega gaysay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU si ay ammaanka u sugaan kaddib dilal halkaasi ka dhacay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’í ayaa shaaca ka qaaday howlgal amni oo ballaaran oo deegaankaasi laga billaabayo.
Dowladda ayaa doonaysa inay gacanta ku soo dhigto xubnaha dabley saddexdii bilood ee la soo dhaafay dhibaataynayay shacabka
Dr Matiang’í ayaa amray in ciidamada GSU-da la howlgeliyo kaddib markii muddo hal bil ah la dilay 13 qof isagoo dhanka kale digniin adag u diray siyaasiyiinta jeedinaya hadalada keeni karo kicin dadweyne
Booqashada wasiirka uu shalay ku tagay deegaanka Matungu ayaa ku soo aadday iyadoo shacabku ay dalbadeen in isku shaandhayn lagu sameeyo saraakiisha ammaanka oo ay ku eedeynayaan inaynan sida haboon uga fal celin weerarada la gaysto taasi oo uu Dr. Matiangi ballanqaaday in la samaynayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here