DHAGEYSO:Ciidamada Xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay howlgalo ay Fuliyeen

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta taliska 27-aad ee ka howlgala deegaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa waxay howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyeen wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad iyo deegaano kale oo dhowr ah.
Howlgalkaan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa ciidanka Xoogga Dalka waxay ku gaareen deegaano badan oo la tuhunsanaa iney ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab,inkastoo uusan jirin dagaal dhex-maray Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab.
Deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Jariirow, Gololeey Moobleen, Dhumaleey, Madax Gisi, Lafa-gare, Saarsaare,Buulo mareereey iyo Gumareey oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayay in degaannadaas looga saaro Al-Shabaab.
Taliye Tareedisho ayaa Ciidanka ku bogaadiyay howlgalka ay ku qaadeen deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin,wuxuuna sheegay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan waxkasta oo keeni kara amni darro kana hortagayaan.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Ciidamada Dowlada ka geystay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here