DHAGEYSO:Ciidamada Xoogga ee deeganada Koonfur Galbeed ku sugan oo amarro soo saaray

Maalmihii la soo dhaafay waxaa kordhay weerarada ay Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ka geysanayaa degaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana taliska Ciidanka xoogga dalka eek u sugan deegaanada Maamulkaas ay soo saareeb qorsho looga hortagayo weeraradaas soo lalaabta ee Al-shabaab.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jenaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa ku amray dhamaan Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan degaannada Maamulkaas inay dib ugu laabtaan Xeryahooda iyo difaacyadii ay ka Shaqeyn jireen.
Waxaa uu ku eedeeyay qaar ka mid ah Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed inay ilaalo ka dhigteen Ciidamadii loo baahnaa inay sugaan Amniga degaannada Maamulkaas,waxaana uu ku amray dhamaan Ciidamada inay difaacyadooda dib ugu soo laabtaan.
Wuxuu sheegay Taliyuhu in Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ee soo wareejin waaya askarta ilaalada u ah ee loogu talo galay difaacyada ay si amar la’aan ah uga soo wadan doonaan si Ciidamadaas ay u noqdaan kuwa Shaqadooda qabsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here