DHAGEYSO:Ciidamo Gaar ah oo loo diyaariyay deegaanada AL-shabaab laga Saaray.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimaha Amniga iyo qorshaha deegaannada Koonfur Galbeed ee laga saaray dagaalameyaasha Al-Shabaab.
C/casiis Xassan Maxamed Lafta gareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in deegaannada ay la wareegeen Ciidamada dowladda sida Bariire, Awdheegle,sabiib iyo Caanoole uu Maamulkiisu u diyaariyay 400 Ciidamo Boolis ah,kuwaasoo xaqiijinaya amniga deegaannadaas.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday qorshaha la isugu furayo wadooyinka u go’doonsan ee deegaannada Koonfur Galbeed,isagoo Xusay in howlgalka ugu horeeya laga fulin doono wadada isku xirta Muqdisho iyoo Baydhabo si deegaanada Qaar go’doonka looga qaado.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Lafta gareen wuxuu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay in dhamaan la isku furo wadooyinka deegaannada Maamulkaas ee u go’doonsan Al-Shabaab, iyagoo ka duulaya qorshaha Amniga oo ay diyaarisay Dowladda Federaalka sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Cidkasta oo arimaahasi gacan ka gaysanaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here