DHAGEYSO:Ciidamo gadoodsan ee Puntland eedaymo u jeediyay

Ciidamado ka tirsan kuwa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Gadood sameeyay ayaa eedaymo u jeediyay maamulka Puntland waxayna sidoo kale sheegeen inay baaq u dirayaan dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Ciidamadaan oo ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Bari,ee qeyb kamid ah maamulka puntand u taqaano Gardafuu,waxay sheegeen inay ka gadoodeen Maamulka Puntland.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa waxaay sheegeen in gobolka Gardafuu aan laga helin Al-Shabaab iyo daacish amnigiisana ay iyaga sugeen,waxayna ayna ka baxeen Puntland sida ay hadalka u dhigeen.
Ugu dambeyn Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada waxay sheegeen in Madaxda Puntland ay faragelin ku hayaan, Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka,waxaayna ugu baaqeen dowladda Feederaalka Soomaaliya inay taageero siiso inkastoo aysan jirin wax gaar ah oo ay ka dalbadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here