DHAGEYSO:Ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa Maanta dibadbax Cabasho waxaay ka Sameeyeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa taalada Daljirka daahsoon iyo Xarunta Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Ciidamadaan oo ku labisan dareeska Ciidanka Millaetriga ayaa waxaay sheegeen inay kamid yihiin qeybta 27aad inaysan muddo Sanad iyo Sideed Bilood ah qaadan wax mushaar ah.
Qaar kamid ah Ciidamada oo Warbaahinta la hadlay ayaa Tilmaamay in muddadaas ay ku jireen dafaacyada Ciidamada,iyadoo aan wax mushaar ah la siin,hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay.
Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen inay xaquuqdooda siiyaan,isla markaana ay madaxda ka sugayaan jawaabta ku aadan cabashadooda.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhanka kale waxay faahfaahin ka bixiyay weerar ka dhacay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Arroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaa lagu qaaday Saldhiga ay Ciidamada millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Dad Goobjoogayaal ayaa waxaay warbaahinta u sheegeen in Gaari nooca loo yaqaano Leyla Calaawi oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ciidamadu ku joojiyeen afaafka hore ee saldhiga qeybta 21-aad ka degan yihiin Deegaankaas,hayeeshee wadaha uu isku dayay inuu si awood ah koontoroolka ku marsiiyo,balse Ciidamad ay ku dhufteen Qori Baasuuke ah sidaasina uu ku qarxay gaarigu sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka hortageen gaari laan-guruusal ah oo ay Soomaalidu utaqaan leyla Calaawi inta badan loo adeegsada safarada gobolada dalka Soomaaliya islamarkaasna ay saarnaayeen Xubno isku-soo xiray waxyaabah qarxa oo ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax khasaare ah soo gaaray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya weerarkaas islamarkaasna ciidanka ay u diyaarsanyihiin inay ka hortagaan weerarada kaga imaanaya dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab

Dhanka kale Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 27 oo howlgalo ka fuliyay deegaano Hoose taga degmada Buulo-burde ee Gobolka hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay inay howlgalkaas ku dileen xubno ka tirsan AL-shabaab wallow dadka deegaanka ay sheegeen inay dhibatao ku qabaan jididka Xiran ee Magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here