DHAGEYSO:ciidamo kala dhex dhigay Malshiyaad Mudug ku dagaalamay

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa la kala dhex-dhigey maleeshiyaadkii labada beelood ee dhawaan ku dagaalanay deegaano ka tirsan bariga Mudug.
Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay tuulooyinka Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug,waxaana joojinta dagaalkaas ka qeyb qaatay Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo Odayaasha labada Beeleed.
Ciidamada la kala dhex-dhigey maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa ay ilgaar ah ku heyn doonaan sida loo fulinayo heshiiskii labada beelood gaareen,waxaana lagu amray inay tallaabo ka qaadaan dadka ka baxa heshiiskaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here