DHAGEYSO:Ciidamo ku dagaalamay diinsoor oo la kala qaaday

Kadib markii Maalmihii la soo dhaafay ay wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ku sugnaayeen degmada diinsoor ee Gobolka Baay,halkaasoo uu ka dhacay dagaal beeleed,ayaa waxaay ku guuleysteen wafdigaasi inay kala qaadaan Ciidamadii dagaalamey.
Dagaalka oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa uu dhex-marey Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Koonfur Galbeed,hayeeshee u abaabulan qaab beeleed,kuwaasoo la sheegay inay iska diley dad badan.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wacad ku marey inay gacanta kusoo dhigi doonaan Ciidamadii dhibaatada geystay,waxaana uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey dagaaladii dhex-marey labada Ciidan ee u abaabulnaa hab beeleedka.
Waxaa uu Tilmaamay inay kala qaadeen Ciidamadii dagaalamey ee is hor-fadhiyey,sidoo kalena ay dib ugu celiyeen Saldhigyadoodii degmada diinsoor ee Gobolka Baay,halkaasoo markii hore ka soo tageen.
Guddoomiyaha degmada diinsoor Cabdi Salaan xaaji Siidoow ayaa ugu baaqey labada beelood ee dagaalantey inay nabad ku wada noolaadaan,isla markaana nabadgelyada ay tahay mid muhiim u leh Bulshada degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannadaasi inay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxwaynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) sida deg-degga ah ee ay ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, wuxuuna ku tilmaamay colaaddaas arrin fool-xun oo aan la aqbali karin.
Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyadoo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada halkaasi ka dhalatay.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddaas, wuxuuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here