DHAGEYSO:Ciidamo loo dhaariyay ka mid noqoshada Asluubta

Waxaa maanta Magaalada Muqdiso lagu dhaariyay ku dhawaad 1,000 askari oo tababar u socday mudo dhowr Bilooda ah uu u soo dhamaaday kuwaasoo ka mid noqonaya ciidamada Asluubta ee dowlada Fedraalka Soomaaliya.
Xassan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Ciidamadaas kula dardaarmay inay ka soo baxaan shaqada loo igmaday inay gutaan Waajibaadka ka saran u adeegida qarank.
Wuxuu Ciidamada Asluubta ee Maanta la dhaariyay ku amray inay wax ka bedalaan dhaqan xumada mararka qaar ka soo yeerta xabsiyada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Xamar.
Xassan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Hoosta ka xariiqay hadii aysan dhaqamada Xun ee Cabsiyada Ciidamadu waxba ka badalin uu xabsiga dhexe ka mid noqonayo Meelaha lagu kobciyo Figradaha argagixisada.
Wuxuu sheegay inay Mararka qaar dhacdo in qof la soo xukumay uu xabsiga dhexdiisa ku haysto isgaarsiin oo ay mararka qaarkood isticmaalaan Baraha Bulshada taasina aysan ahayn Hab dhaqanka Maxbuuska laga doonayo iyo xakamayntiisa midna.

Wasiirka wasaarada Cadaalada ee dowlada Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji oo Tababarkaan Soo xiray ayaa xaqiijiyay inay Xukuumada ka dhabaynayso in dhamaan Ciidamadu helaan Xaquuqdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here