DHAGEYSO:Ciidanka AMISOM oo loogu baaqay inaysan door ku yeelan doorashada Jubaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ju magic dheer Xildhibaan Xasan Yare kana mid ah mudaneyaasha Golaha shacabka ee laga soo doortay deegaanada maamulka Jubaland ayaa inuu maamulka Jubaland hada joogi xiligii loo madaxbanaanayn lahaa doorashadiisa sidoo kalena aan loo baahnayn in ciidamada howlgalka AMISOM ee ku sugan deegaano ka mida h gobolada Jubooyinka ay door ku yeeshaan doorashada lagu wado inay deegaanada maamulkaas ka dhacdo.
Waxa uu Tilmaamay in ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan ay kali ah tahay inay ku shaqeeyaan wixii uu maamulka ka dalbado sida amaanka deegaanada looga baahan yahay iyo wixii la mid ah.

 

Hadalka xildhibaankaan ayaa imaanaya ayadoo qaar ka mid ah warbahainta gudaha Soomaaliya ayaa maalmahaan baahinayeen warar sheegaya inuu jira shaki ah inay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa ka socda dalka Ethopia ay ku lug yeeshaan doorashada maamulka Jubaland waxaana dhanka kale shalay la sheegay inay Meelaha muhiimka ah ee magaalada Kismaanyo oo uu ka mid yahay agroonka diyaaradaha ay la wareegeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata hogaanka maamulka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here