DHAGEYSO:Ciidanka Badda Soomaaliya oo beeniyay warar maalmahaan la isla dhexmarayay.

Taliyaha ciidanka Badda iyo ilaalada xeebaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaalia Admiraal guuto Cabaas Amiin Cali oo maanta la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyay in dooni ay leeyihiin ciidanka Badda Soomaaliyeed ay degtay ciidamana ay ku dhinteen.
Admiraal Cabaas Amiin Cali Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay inay warbahainta iyo baraha bulshaduba buunbuuniyeen warar Xaqiidaqada ka fog.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in doon Raashin u qaaday Ciidamada ku sugan xeebaha Magaalada Hobyo warbixin Qaldan laga gudbiyay oo lagu sheegay inay waxyaabo kale waday isagoona dhamaan arimahaasi beeniyay.
Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in Doontaas iyo doon kale oo gurmad ahaan ay ugu direen ay haatan ku sugan yihiin Xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhexe,isla markaana ay Filayaan inay Maanta soo gaadhaan Magaalada Muqdisho.

Labadii maalin ee aan ka soo gudubnay ayaa qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Soomaaliya baahinayeen warar la xiriiray in doon gaadhay Magaalada hobyo ay sido waxyaabo hub looga shakisan yahay sidoo kalena ay jirto mid kale oo badweynta Hindiya ku dhex degtay wallow Taliska Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya ay dhamaan arimahaasi beeniyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here