DHAGEYSO:Ciidanka Booliska Somalia oo qabtay Askarigii xalay dadka Shacabka ah ku dilay Boondheere

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askari dad shacab ah xalay ku dilay Magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen in Askariga uu si bareer ah u toogtay labadda ruux oo kala ahaa haweenay iyo wiil dhalinyaro ah xilli ay fadhiyeen Al-baabka gurigooda oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Jubba.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa tacsi u diray qoyskii ay ka baxeen dadkaas la dilay waxaa uuna sheegay in askariga la xiray cadaaladana la marsiin doono.

Waxaa uu sido kale ka hadlay arrimaha bandowga isagoona ka warbixiyay awaamirtiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here