DHAGEYSO:Ciidanka DANAB oo kala dhexgalay Maleeshiyaad dagaalamay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo Millateri ah waxaay kala dhex-dhigtey laba maleeshiyo beeleed oo maalmahaan ku dagaalamayey degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo geysay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qaar kamid ah tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn,iyadoo si kala gooni gooni ah ay halkaas dilal uga dhaceen.
Taliyaha Amniga Ciidamada DANAB ee xoogga dalka Soomaaliya oo la hadlay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood ee dirirtu dhex martay ayaa u sheegay in loo baahan yahay in dadka Walanweyn ay ku wada noolaadaan nabad dagaalkana si sharuud la’aan ah lagu joojiyo.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay u soo dirtey inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamey,isgoo hoosta ka xariiqay inaysan marnaba ogolaan doonin in dadka loo dilo si arxandarro ah oo la barakicyo shabka halkaas ku nool ee aan waxbo galabsan.

Dagaaladii ka dhacay degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin badan oo loo gaystay dad shacab ah waxaana baraha bulshada lagu arkay dad si arxan dara ah loo dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here