DHAGEYSO:Ciidanka dowlada Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wada gobolka shabeelada Hoose.

177

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Tooratooroow iyo degmada Awdheegle oo dhawaan ay Ciidamada Dowladda la wareegeen.
Saraakiisha Howlgalkaasi hoggaamineysa ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dad ku sugan deegaanka tooratoorow ay soo sheegayaan in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq dhaqaaqyo kala duwan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si halkaas looga saaro Xubnaha AL-shabaab.
Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa saakay waxay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka degmada Awdheegle oo maalin ka hor Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar qaraxyo ku bilaawday.
Wararka ka imaanaya Awdheegle ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Awdheegle ay bilaabeen inay halkaasi isaga fogaadaan, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Al-Shabaab.
Dhanka kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen Daahir Adan Cilmi indho qarshe ayaa bogaadiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Awdheegle oo maalin ka hor ay shabaab soo weerareen iskana difaacay weerarkaasi,isagoo shacabkana ugu baaqay inay ciidamada howlgalka ku jira ay garab istaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here