DHAGEYSO:Ciidanka Jubaland iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Jubada Hoose.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab sida la sheegay ay weerarku qaadeen saldhig Ciidamada maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow,waxaana goobjoogayayaal ay warbaahinta gudaha u sheegeen in dagaalku uu in mudo ah socday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada ee gobolka Jubada Hoose Jubbaland ayaa waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ku sheegay in weerarkaas ay ku dileen Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland,balse waxaan weli ka hadlin sheegashada Al-Shabaab saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowlada Soomaaliya sidoo kalena majiraan warar madax banana oo sheegashada AL-shabaab cadaynaya.
Dhanka kale wasiirada maamulka Jubaland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaanyo waxay ka soo saareen warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban oo la doonayo in lagu sugo amaanka deegaanada maamulkaas sidoo kalena lagu maareeyo doorashada lagu wado inay Juabaland ka dahcdo dabayaaqada bisha soo socota ee Aug.
Kulankaan ayaa waxaa gudoominayay madaxweynaha Jubaland waxaana shacabka loogu baaqay inay sugida amaanka ka qayb qaataan.
Wasiiru dowlada Madaxtooyada maamulak Jubaland Xirsi Jaamac Gandiid ayaa sheegay in qodobada shirka ka soo baxay ay yihiin kuwo muhiim ah oo la doonayo in loo hogaamsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here