DHAGEYSO:Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo biyo dhaamin u sameeyay dadku barakacay Beledweyn

DCiidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada shanaad ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa gurmad biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas danyar ah oo ku barakacay fatahaadda gobolka Hiiraan.
Qaar ka mid ah qoysaska danyarta ah ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed biyaha gaarsiiyeen ayaa u mahadceliyay Ciidamada Xoogga.

Dhame Maxamed Ibraahim Daauud Taliyaha ururka 39-aad Guutada 5-aad qaybta 27-aad ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ugu dhiiradeen inay biyo dhaaminta u Sameeyaan dadkaan ka soo barakacay Xaafadaha Magaalada Beledweyn ee Xarunta gobolka Hiiraan hadana ku sugan deegaanka Ceeljaale ee duleedka Beledweyne oo Xaalado nololeed ay halkaas ku haystaan.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan aybta 27 ayaa Maalinkii 11 –aad halkaas ka wada biyo dhaaminta dadka danyarta ah.
Dhanka kale Dad u badan Haween iyo Dhalinyaro rag ah ayaa Maanta waxaay banaanbax cabasho ah ka dhigeen dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne,kuwaasoo ka cabnayay in Goobo Ganacsi ay lahaayeen la burburiyay.
Banaanabaxaaysha qaarkood ayaa ku dhawaaqayay Eray ka dhan ah Dowladda, iyagoo sheegay in Goobahooda Ganacsiga oo nolol maalmeedka qoysaskooda ay ku maareyn jireen si bareer ah loo burburiyay.
Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Goobaha laga burburiyay ay kiro ka bixin jireen, sidoo kale dowladda ay Canshuur ka qaadi jirtay, hayeeshee la burburiyo.
Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo kusoo baxay rabshado ka dhashay banaanbaxa ayaa sheegay in dadka ku Ganacsada Goobaha la burburiyay ay kasoo cawdeen Shacabka degmada Xamarweyne, kadib markii ay waayeen wado ay maraan.
Waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada waratada ah ee banaanbaxa sameeyay inay tagaan Xarunta Maamulka degmada si ay uga wada hadlaan xalka ugu habeeya oo aan aheyn inay wadada ku ganacsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here