DHAGEYSO:Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo faahfaahiyay howlag ay Jubooyinka ka sameeyeen

Ayadoo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Saxiibadooda Caalamku ay howlaglo kala duwan ka wadaan deegaanada koonfurta Soomaaliya ee ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Taliska Guutda DANAB waxay faahfaahiyeen howlagaladii ugu danbeeyay ee ay ka Sameeyeen gobolka Jubada Hoose.
Taliyaha Ururka 5aad ee Ciidanka DANAB Xoogga dalka Soomaaliya Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamadu ay ku bur buriyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka jubbada Hoose.
Taliyaha ayaa sheegay in saldhigyada ay Ciidamadu bur buriyeen ay ahayeen ilaa sadex saldhig hadana ay goobahaasi Gacanta ugu Jiraan ciidamada DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxa uu intaasi ku darey in Saldhigyadaasi ay ku sugnaayeen Saraakiil Ajaanib iyo Soomaali isugu jiray oo Shabaabka ka tirsan sidoo kalena ay ciidamada xogtooda heleen kadibna ay kuweerareen sidoo kalena ay Burburiyeen labo baabuur oo saraakiil ka tirsan shabaab ay Saarnaayeen.
Ugu dambeyn Taliyaha ururka 5-aad ee ciidanka DANAB xoogga dalka Soomaaliya Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in Shacabka deegaankaas looga baahan yahay inay Ciidamada ku taageraan howlgalada ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here