DHAGEYSO:Ciidanka Xoogga oo Howlgalo ka Bilaabaya deegaanada koonfur Galbeed

Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliyeed Janeraal Cabaas Amiin Cali oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolk Baay ayaa halkaasi ka bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda dhexe iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo, isagoo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Saraakiisha uu la kulmay uu kala hadlay xaalada Ciidamada ay ku sugan yihiin iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi wadashaqeyn ee dhexmartay Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya gaar ahaan taliska Ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay sugida Amniga Guud ee dalka iyo daradar gelinta howlgallada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Hadalka Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliyeed Janeraal Cabaas Amiin Cali ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Deynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here