DHAGEYSO:Ciidanka xoogga oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday gobolka hiiraan

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Siyaasada & Maaliyada Gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Cabdulle oo ay wehlinayaan Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 27aad Janeraal Saalax Yacquub ayaa waxaay gaareen deegaanka Feefeer kadib amrkii deegaan duleedka ka ah dhawaan lagu diley Sddex qof oo Beeraley aheyd.
U jeedada socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa ahayd sidii Maamulka Degmada feer feer iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ilaaliyo Xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ugala hadli lahayeen sidii wax looga qaban lahaa Nabad gelayada degaanada ku dhow Xaduudka iyo sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaad 14 –kii Bishaan Nawaaxiga Deegaanka ilan Guud ku Dilay 3-da Qof ee Beeraley aheyd, kuwaasoo u baxsadey markii falkaasi dilka ah ay geysteen dhanka Xadka Itoobiya.
Abaan duulaha Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 27aad Janeraal Saalax yacquub ayaa sheegay in Madaxada dowlada deegaanka Somaalida Degmada feer feer iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay is ku Afgarteen ilaalinta Nabad Gelyada Deegaanada ku dhow Xadka iyo in Mudo 15 Maalin Gudohood ah lagu soo qabto shaqsiyaadkii dilkaasi geystay sharcigana la marsiiyo isagoo shacabka deegaanka ka codsaday inay nabad ku dadaalaan ayna sharciga iyo Hay’adaha dowaliga ah ka war sugaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here