DHAGEYSO:Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Miinooyin ku fashiliyay shabeelada Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose,waxay sheegeen inay kusoo qabteen Qaraxyo lagu diyaarinayay duleedka Magaalada janaale.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Janeral C/Xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale ay lagu soo qabtay Qaraxyo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku Aasaan wadada u dhaxeysa Janaale iyo tuulada urunji ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas ay ku dileen 13 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayna bururiyeen Xarumo ay ku diyaarin jireen qaraxyada sida uu hadalkiisa u dhigay.
Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaay mararka qaar qaraxyo iyo weeraro toos ah Al-Shabaab kula beegsadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay howlgallada ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here