Dhageyso:Colaad u dhexaysay dad Xoolo dhaqata ah oo xal laga gaaray

Waxaa Heshiis laga gaaray dagaal u dhexeeyay dad Xoolo dhaqato ah oo ka dhacay deegaano u dhexeeya Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida.
Xoolo dhaqato ka soo kala jeedo Maamulka Galmudug iyo Maamulka dowlad deegaanka oo ku dagaalamay xadka uu gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xal kama danbays ah laga garay sida ay Masuuliyiinta labada dhinac sheegeen,Colaadaasoo Markii hore ka soo bilaabatay dhul daaqsimeed iyo Baraaki biyaha laga cabo.
Saraakiil ciidan oo labada dhinac ka kala socotay gaaray deegaanka ay Colaadu ka jirtay ayaa sheegay inay ku guulaysten Baqtiijinta Colaadaas.
Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeed waa Taliyaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug wuxuuna Faahfaahin ka bixinayaa sida loogu guulaystay in la isku Xaliyo dadkaas Xoolo dhaqatada ahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here