DHAGEYSO:Colaado ka taagaan Walanweyn oo Heshiis laga gaaray

Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegay in Heshiis kama danbays ah laga gaaray Colaado muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa degmada Walanweyn iyo deegaano hoos yimaado.
Taliyaha guutada 7 Qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa waxay kulan la qaateen Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose waxayna ka wada hadleen Xalka gaarida Colaadaha iyo wax u qabashada shacabkii ku Barakacay.

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ka codsaday inay Gurmad u sameeyeen dadka ku barakacay fatahaada wabiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here