Dhageyso:Coronavirus oo qoysas ku burburiyay Wajeer

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya tan iyo markii uu billowday fayraska corona inay kordheen kiisaska qoys burburka.
Cudurka ayaa saameyn dhaqaale ku yeeshay dalka iyo dunida waxaana Meesha ka baxay shaqooyinka iyo ganacsiyada qaar tani oo sababtay in ragga qaar ay ku adkaato inay bixiyaan masruufka qoysaskooda.
Qaar ka mid ah haweenka oo sheegaya inay xaaladdu ku adkaatay ayaa furriin doorbiday.
Guddoomiye xaafadeedka God Cadde ee Wajeer Yaxya Cabdi ayaa sheegay in bil kasta loo soo gudbiyo kiisas kor u dhaafaya 15 oo ah lamaane doonaya inay kala tagaan.

DSideedii bilood ee ugu dambeeyay waxaa maxkamadda Wajeer loo gudbiyay ilaa 200 oo kiis oo lamaane u dhexeya .
Qaadiga Wajeer Sheekh Cismaan Cabdi ayaa sheegay in horay sannadkii la qaban jiray wax ka yar 50 dacwadood balse hadda tiradan ay sare u kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here