DHAGEYSO:Culimaaudiinka Wajeer oo diiday in maslaxo lagu xalliyo faraxumeynta dumarka

Culimada ismaamulka Wajeer ayaa ka soo hor jeestay nidaamka loo yaqaano maslaxada ee ay odayaasha ku dhameyaan kiisaska kufsiga.
Golaha muslimiinta sare ee dalka ee SUPKEM laantiisa gobolka waqooyi bari oo uu hor kacayo guddoomiyahooda Dr. Aadan Yuunis ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay kiisaska faraxumeynta dumarka ee soo kordhay.
Waxay carrabka ku adkeeyeen inaysan marnaba raali ka ahayn in maslaxa lagu dhameeyo faraxumeynta loo geeysto gabdhaha iyagoona dowlada ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaaddo qofkii falkan ku kaco.

Dhanka kale wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi Cali ayaa sheegtay inay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi kala hadashay dhibaatooyinkan waxayna Khadka taleefoonka ugu warrantay wariyaheena Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye .Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’I ayaa kulan la qaatay xubnaha xarunta qaran ee baaritaanada ku sameysa falal dambiyeedyada.
Waxay mas’uuliyiintan isla eegeen siyaabaha lagu xakameyn karo gabdhaha xilli hore uurka loo yeelaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here