DHAGEYSO:Culimo ka qayb galaysa munaasabadda dhalashada Nabiga oo maanta Baydhabo gaaray

Culimaa’udiin Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya Xuska Munaasabadda dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ahna Caasimadda KMG Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.
Mashaa’iqda Maanta gaadhay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hogaaminayay Sh Aways dheere waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxda Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Culimadaan Maanta gaadhay Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa Wuxuu qorshuhu yahay inay berri ka qayb galaan munaasabad weyn oo ku saabsan weynaynta dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH taasoo Abaabulkeedu Magaalada ka socdo barina halkaas ka dhici doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here