DHAGEYSO:Daadadka wabiga Daawa ee Mandera oo saameeyay beeraley iyo dhalinyaro

Beeraleyda iyo dhalinyarada ka shaqeysta soo saaridda ciidda lagu dhiiso guryaha deeganka hoose ee Neboi ee ismaamulka Mandera ayaa wajahayo xaalaad adag kaddib marku wabiga Daawa sababaay fatahaaad ballaaran iyado dhanka kale uu dalka ka jiro cudurka COVID 19.
Daadadka ayaa khasaare u gaystay beeraley badan halka shaqo la’an iyo hooy la’aan ay noqdeen ilaa 300 oo dhalinyaro ah.
Maxamad Cabdiqaadir oo Mandera nooga soo warrama ayaa faahfaahinta qodobkan noo haya

Dhanka kale Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka bariga Mandera Cumar Maxamed macallim oo ku magacdheer cumar saala oo Khadka taleefoonka ugu warramay wariyahayaga Maxamuud Lafagari ayaa ka hadlay fatahaadda wabiga iyo saamaynta uu beeraleeyda iyo bulshada ku yeeshay waxa uuna sheegay inay wax ka qaban doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here