DHAGEYSO:Daahir Geelle oo eedeymo u jeediyay madaxda dowladda soomaaliya

Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle kana mid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socata sidoo kalena laba jeer soo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxda Dowladda ay isku dayayaan inay sameeyaan muddo kororsi oo waqtigeeda aysan doorash ku dhicin.
Waxa uu ku sheegay Wareysi uu siiyey telefishinka Universal in dadka Soomaaliyeed iyo Saamileyda Siyaasada aysan aqbaleyn oo fahmeen in loo baahan yahay isbedel.
Waxaa uu intaas ku daray inay ka shaqeynayan in la helo doorasho ku dhacda xor iyo xalaal.

Waxaa uu sido kale ka hadlay arrimaha ku saabsan khilaafka dhinaca Waxbarashada ee ka dhaxeeya Dowladda iyo Maamulka Puntland,waxaana uu ugu baaqay Madaxda Dowladda in cid kasta oo ku soo baxda doorahooyinka ka dhaca Maamul goboleedyada,isla markaana aysan saameyn ku yeelan waxbarashada iyo wax kasta oo wax loogu qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here