DHAGEYSO:Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay in guddiga doorashooyinka Soomaaliya aan lagu kalsoonaan karin

Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo horay Xilal ugu Soo qabtay dowladihii Soomaaliya hadana ka mid ah shaqsiyaadka u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya Ayaa sheegay in Guddiyada doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliya ee dhawaan la Magacaabay ay yihiin kuwo aan lagu Kalsoonaan Karin.
Shalay ayay ahayd Markii ilaa 12 Musharax oo ka mid ah kuwa u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay sheegeen inaysan guddiga doorashooyinka aqbalsanayn sidoo kalena lagu soo daray shaqsiyaad ka mid ah Ciidanka Nabad Sugidda sida ay qoraalkooda ku sheegeen iyo shaqsiyaad kale oo qaar ka shaqaynayeen Xafiiska Madaxtooyada halka kuwo kalena ay yihiin sida ay sheegeen Taageerayaasha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii Hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay dalbanayaan in la bedello shaqsiyaad ay dhaliilsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here