DHAGEYSO:Dableey Rasaaseeyay Gaari ay shacab Saarnaayeen oo gacanta lagu dhigay.

Ciidamada ammaanka Gobolka Mudug oo howlgal ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku soo dhigeen 4 ruux oo ka mid ahaa lix qof oo habeen ka hor rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay waddada u dhaxeysa degmada Galinsoor iyo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,halkaasoo uu ku dhintay hal qof laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliye ku xigeenka qeybta Boliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle dhexe, Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Dowladda inay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen 4-taas ruux,isagoo tilmaamay in Ciidamada ammaanku ay ku daba jiraan 2-ruux oo ka mid ah lixda Qof ee dadka shacabka ah ku rasaaseeyay gobolkaasi Mudug.
Kooxahaan hubeysnaa ayaa deegaanka Dagaari oo qiyaastii 30-kilomitir dhanka koofureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo waxey habeen hore ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku wajahnaa Magaalada Gaalkacyo kana Yimid degmada Galinsoor.
Dhanka kale dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa Baaq Nabadeed Markale ka soo saartay dagaal Labo Maleeshiyo Beeleed ku dhexmaraya deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa iyo madaxweynihii hore ee maamulka galmudug ayaa labaduba ku baaqay in dagaalkaas la joojiyo.
Afhayeenka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiisa dowlada Fedraalka Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar {Oranjo} ayaa Hoosta ka xariiqay inaysan marna dowlada Soomaaliya aqbali doonin dhiiga dadka walaalaha ah inuu si micno la’aan ah ku daadto.
Wuxuu Wacad ku in maxkamada la soo taagi doono cidkasta oo ay ku cadaato inay colaadaasi Hurinayeen ugu danbayntii Waxgaradka deegaanka,masuuliyiinta gobolka,Ganacsatada,Culimada,dhalinyarada iyo cidkasta oo ku lug yeelan karta daminta Colaadaas ayuu ka codsatay inay isku howlaan sidii xabadaasi loo joojin lahaa.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka maamulka Galmudug C/raxmaan Isaxaaq oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay inay waxa dhacay ka xun yihiin ayna ka maamul ahaan wadaan dadaalo arintaas ku aadan wuxuuna ku baaqay in deg deg ah loo joojiyo colaadaasi,

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariim Xuseen guulleed ayaa dhankiisa ayaa ka mid ah dadka diray baaqa Nabada eek u wajahan deegaanada Bariga gobolka Mudug.
C/kariim Xuseen guuleed wuxuu sheegay in dadkaasi ay mudo badan halkaas wada daganaayeen colaadaasina ay tahay wax laga xumaado isagoo xusay inay jiraan dadaalo badan oo xal lagu raadinayo.
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo saakay markale deegaanada ka tirsan Bariga Gobolka Mudug ku dhex-maray labadaas Maleeshiyo Beeleed.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Towfiiq,waxaana sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya baahisay ku geeriyooday dad gaaraya ilaa 20 Ruux halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed wuxuu dagaal ku dhexmaray deegaanka Ina diideey oo hoostaga degmada Afbarwaaqo,waxaana dagaalkaas ku geeriyooday in ka badan 17 Ruux sida la xaqiijiyay.
dowlada Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka walaacsantahay dirirta iyo colaadaha maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah Gobolka Mudug kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac,waxaana ay ku baaqday dhammaan dhinacyada ku lug leh colaaddan inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan.
Dagaalka Saaka ka bilaawday deegaano ka tirsan Mudug ayaa kusoo beegmaya xilli maanta la filaayay inay halkaa ku baxaan Odayaasha iyo Culumo udiinka Gobolka Mudug si xal looga gaaro dagaal beeleedka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa ku baaqay in si Deg Deg ah loo joojiyo dagaal Beeleedka kasoo cusboonaaday Deegaano Ka tirsan Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa waxaa uu Maanta markale ka dhacay duleedka degmada Towfiiw we Gobolka Mudug,waxaana la soo sheegayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux dhaawacana uu intaasi ka badan tahay.
Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa ay isku heystaan Dhul ku yalela deegaannada lagu dagaalamayo,waxaana dagaalkooda uu y mid soo laab laabtay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqday in la diyaariyey Ciidamo isku dhaf ah,kuwaas oo kala dhex-geli doona maleeshiyaadka dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here